SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUTERRES OO SI ADAG UGA HADLAY XAALADDA GAZA.

(SAWIRKA)-GUTERRES XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres ayaa ka digay maanta oo Arbaca ah(6/12/23)-ka “Burbur dhammaystiran oo ku soo food leh Nidaamka guud ee Marinka Gaza”kaaso Isra’iil ey ku hayso duqeymo joogta ah muddo ka badan bil iyo bar. Fariin aan horay loo arag uu Guterres u diray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayuu ku nuuxnuuxsaday in xabad joojin bini’adinimo lagu dhawaaqo. Guterres ayaa fariintaasi qoray isaga oo tixraacaayo markii ugu horeysay tan iyo markii uu la wareegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe sannadkii 2017-kii,Qodbka 99-aad ee Axdiga Aasaasiga ah ee Qaramada Midoobe kaaso u ogolaanaayo inuu u soo jeediyo dareenka “Golaha Galka”khatar gelin kara dayactirka Nabada iyo Amniga caalamiga ah”oo si dhif ah loo isticmaalo. Guterres ayaa yiri”Duqeymaha joogtada ah ee ciidamada Isra’iil oo aan lahayn hooy ama heerka ugu yar ee badbaadada,waxaane filaa iney si buuxdo u burburto nidaamka dadweynaha sababo la xiriiro xaalado Quus ah,taaso ka dhigayso mid aan suurtagal ahayn in la bixiyo gargaarka bani’aadanimo xitaa haddii ey tahay mid xadidan”. Guterres ayaa intaas raaciyey”Xaaladu waxay noqon kartaa mid ka sii deraysa faafitaanka cudurada faafa iyo cadaadiska sii kordhaayo ee dhaqdhaqaaqa balaaran ee ku wajahan wadamadda deriska ah”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.