SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GEN.PETRAEUS OO U DIGAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-GEN.DAVID PETRAEUS.

(BERLIN)-Weeraradii Miletei ee dhulka ey qaadeen ciidamada difaac Isra’iil(IDF) gudaha Marinka Gaza ee dhacay sannadkii la soo dhaafay waxa ey sababeen dagaal argagax leh,David Petraeus oo horay u soo noqday Generaal sare oo Maraykan ah kana soo shaqeeyey dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan hadase ah hawlgab ayaa sidaas u sheegay Wargayska Politic. David Petraeus ayaa hadlay ka dib markii uu dhacay weerarkii ugu xumaay ey Xarakada Xamaas ku qaaday Isra’iil,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 1400-qofood waxaane ku dhaawacmay kumanaan kale,Agaasimihii hore ee hayada Sirdoonka Dibadda ee dalka Maraykanka(CIA) David Petraeus ayaa uga digay ciidamada difaac Isra’iil sii wadida duqeymaha dhinaca cirka ah iyo u ololeynta xoog ku gelida Gaza ee dhinaca dhulka ah “Waxa ey noqon doontaa dhibaato ka dhaqsiyo badan midii ka dhacday Mogadishu”,kuma guulaysaneysid dagaal Jabhadeed hal sano ama laba sano,waxa uu qaadan karaa toban sano iyo ka badan sida aan ku soo aragnay dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan”. David Petraeus “Waan hubaa in ciidamada mileteriga tusaale ahaan waxa ey leeyihiin taliye waan sameyn karnaa kan iyo kaas,laakinse waa inaad leedahay aragti aad ku ogaan kartid waxa imaan karo markaas ka dib”. Gen.David Petraeus waa sarkaal hawlgab ah kana soo shaqeeyey ciidamadda dalka Maraykanka hadalkiisa ayuu ku soo gabagabeeyey”Waa khalad in Isra’iil xoog ku qabsato Gaza”,Gen.Petraeus ayaa waraysigaan ku bixiyey(Zoom) Fogaan arag.

ISHA/POLITICO.

HALKAN KA SI AKHRISO.