SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GEN.C/FATAAX AL-BURHAN OO BALAN QAADAY..

GEN.C/FATAAX AL-BURHAN.

KHARTUUM)-Tan iyo markii xukunka dalka Suudaan laga tuuray Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir dalkaasi ma uusan yeelan xukuumad la isku raacsan yahay waxaane dalka Suudaan taladiisa haayey ciidamo uu hogaaminaayo Gen.C/fataax Al-burhan,waxaane dhawr mar la isku dayey in dalka Suudaan uu yeesho dawlad Rayid ah shacabkana soo doortaan balse ma eysan suurtagelin. Taliyaha ciidamadda dalka Suudaan Gen.C/fataax Al-burhan ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu balan qaaday inuu qabanaayo doorashada dalka Suudaan dhammaadka waqtiga ku meel gaarka ah. Gen.C/fataax ayaa sameeyey balanqaadka waqti lagu gudajiray xafladda saxiixa qaab dhismeedka afgarashada u dhexeyso golaha madax banaanida ee hadda xukunta dalkaasi Suudaan iyo kooxaha siyaasiyiinta reer Suudaan kana soo horjeedo ciidamadda talada dalka Suudaan iska haysta.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.