GAZA OO LAGA HELAY XABAALO WADAREEDYO CUSUB.
(SAWIR)-KA.BURBURKA SOO GAARAY DHISMAYAASHA GAZA.
(GAZA)-Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa soo shaac baxaayo dembiyada ka dhashay qabsashada Marinka Gaza. Sabtida maanta ah(11/5/24)-ka,Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza ayaa shaaca ka qaaday iney heshay 80-Meyd oo ku jira Xabaal Wadareed ku yaalo barxadda Xarunta caafimaadka ee Shifa’a iyo tobaneey Meydad ah oo ku hoos jira qeybaha dhismaha. Shir jara’id ey ka qeyb yihiin kooxaha difaac shacabka iyo Takhaatiirka baarta Meydadka waxa ey u dhinteen ee Marinka Gaza ayaa lagu soo bandhigay Meydadka la soo helay,Wasaaradu waxay tiri “Ilaa hadda waxaan helnay in ka badan 520-Meyd oo ku jiray todobo Xabaal Wadareed oo ku yaalo Isbitaaladda Marinka Gaza,waxaan burburka dhismayaasha ku hoos jira in ka badan 10-kun qofood oo aan weli laga soo saarin ilaa hadda. Wasaaradda ayaa hadalkeedii sii raacisay “Waxaan soo helanay Meydad go’o-go’ay ka dib markii la dul mariyey gaadiidka dagaalka ee Isra’iil,waxaane soo helnay madaxyo dad oo aan jirka intiisa kale eysan la socon kuwaaso lagu aasasay Xaablo wadareed ku yaalo Xarunta Isbitaalka AL-shifa’a. Baaritaan lagu sameeyey Meydadka la soo helay ayaa lagu ogaaday in Meydadku ey yihiin bukaankii jiifay Isbitaalka Shifa’a kuwaaso heli waayey daawadii ey u baahnayeen”. Intaas waxaa dheer Wasaaradu waxa ey ugu baaqday hayadaha caalamiga ah iney si deg deg ah u soo farageliyaan si loo ilaaliyo xarumaha caafimaadka ee Marinka Gaza lagana hortago xasuuq cusub iyo in si dhaqsi ah loo sii daayo shaqaalaha caafimaadka ee u xiran Isra’iil. Warbixinta maalinlaha ah ey soo saarto Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza laguna tirakoobo dhimahsada iyo dhaawaca soo gaara dadka shacabka ah ee reer Falastiin ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu sheegay amaba shaaca looga qaaday in tirada dhimashada dagaalka Marinka Gaza ey ilaa hadda ku geeriyoodeen dad gaarayo ilaa 34.791-Qof,eyna ku dhaawacmeen 78,641-Qof tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka Marinka Gaza kuna beegan 7/10/2023-kii. Warbixinta ayaa sharaxday in Isra’iil ey maanta kaligeed ey gaysatay afar Xasuuq oo ka dhan ah Qoysaska Marinka Gaza,waxaane ku dhintay 28-Qof,waxaane ku dhaawacmay 69-Qof oo la dhigay Isbitaaladda 24-kii saac ee la soo dhaafay.
ISHA/AP.