GAZA: 100-QOFOOD OO DHIMASHA AH MAANTA KALIYA.
(SWAIRKA0-MARINKA GAZA IYO WEERARADII MAANTA KU BILAWDAY.
(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza maanta oo Jimca ah(1/12/23)-ka ayaa sheegaayo in wada hadaladdii xabad joojinta ee Marinka Gaza ey sii socoto in kastoo dagaalkii u dhexeeyey ciidamadda difaaca Isra’iil iyo Xarakada Xamaas uu dib u soo cusboonaaday maanta oo Jimca ah ka dib markii uu dagaalka hadakaday muddo todobaada ah. Dhexdhexaadiyaha Wasaatradda Arrimaha Dibadda dalka Qadar ayaa sheegay in weli ey socdaan wada hadaladdii ey la kala yeelanaayeen Xarakada Xamaas iyo Isra’iil si loo soo celiyo xabad joojintii dhaqangashay muddoo todobaad ah taaso burburtay xalay. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegay iney dhinteen ilaa boqol qofood oo reer Falastiin ah tan iyo markii ey ciidamadda difaac Isra’iil bilaabeen duqeynta dhinaca hawada ah eyna burburtay xabad joojintii.
ISHA/ARAB.