SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GABAR YAR IYO QOF DUMAR AH OO LAGU DILAY…

(SAWIRKA)-KOONFURTA DALKA LIBNAAN EE LA WEERARAY.

(BEIRUT)-Dagaalka ka socdo Marinka Gaza una dhexeeyo Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil ayaa waxa uu galay maalintiisii 138-aad,dagaalkan ayaa 24-kii ee ugu dambaysay ey ku geeriyoodeen dad dhan 118-qofood,waxaane ku dhaawacmay 163-qofoofd oo kale,Guud ahaan tirada dadka ku dhintay dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa gaaraayo ilaa 29,313-Qofood una badan Caruur,Dumar iyo dad waayeel ah,tirada dhaawaca ah ayaa iyadana gaareyso 69,333-qofood,waa sida laga soo xigtay warbixinta maalinlaha ah ey bixiso Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza. Dagaalka Marinka Gaza ayaa waxa uu saameeyey dalalka deriska la ah Falastiin sida Suuriya,Urdun iyo Libnaan,waxaane maanta oo Arbaca ah dhacday in ciidamadda cirka ee Isra’iil iney weerar cirka ah ku qaadeen koonfurta dalka Libnaan weerarka ayaa waxaa ku dhintay laba qofood oo midi tahay gabar yar waxaane ku dhaawacmay afar qofood oo kale. Labada qofood ee geeriyootay ayaa kala ahaay haweeney magaceed lagu sheegay Khadiija Salmaan halka gabarta yar ey dhaawacantay markii hore balse markii dambe ey u geeriyootay dhaawicii soo gaaray,magaca gabarta yar ey dileen diyaaradaha Isr’aiil ayaa lagu sheegay inuu yahay Amal AL-Dar waxaane dhalay kalkaaliye caafimaad kana hawlgala degaanka la weeraray maanta.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.