GABAR FILIMADA JISHA OO ISKA CELISAY DHALASHADA…
(SAWIRKA)-YULA BENEVOLSKI.
(CANADA)-Wararka laga helaayo dalka Kanada ayaa sheegaayo in dadka isticmaalo baraha bulshada ey faafiyeen muuqaalo Video ah kuwaaso muujinaayo Xidigta Jisha Filimada ee reer Isra’iil lana yiraahdo Yula Benevolski oo haysata dhalashada dalka Kanada ey ku dhawaaqday iney ka laabanayso dhalashadda dalka Isra’iil ey asal ahaan ka soo jeeday waxa eyna u sababaysay demnbiyadda ey Isra’iil ka gaysanayso Marinka Gaza. Benevolski muuqaal ey soo duubtay ayey ku tiri” Kani waa aqoonsigeygii Isra’iil,kanina waa kaarkaygii la iiga cafiyey ciidamadda,kamana aan shaqeyn ciidamadda,todobaadkii horena waxa aan dalbaday inaan iska dhaafo dhalashadda Israa’iil ee Qunsuliyadda toronto”. Benevolski oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri” Ma aha wax sahlan inaan iska celiyo dhalashadeeyda Isra’iil waxa aane ka fikiraayey muddo dheer,waxa aane sidaas u sameeyey anigoo ka jawaabaayo gardarada lagu bilaabay Gumaysiga Marinka Gaza iyo dhibaatooyinka faraha badan ee lagu haayo shacabka reer Falastiin”.
ISHA/ARAB.