FINLAND OO WIIL SOOMALI AH U SOO MAGACAWDAY..
XILDHIBAN SULDAN SICID AXMED.
(MUQDISHO)-Xildhibaankii ugu horeeyey ee ka mid noqday baarlamaanka dalka Finland kana soo jeedo dalka Soomaaliya ayuu dalka Finland u magacabay wakiilka gaarka ah ee dalka Finland u qaabilsan nabadeeynta iyo dhexdhexaadinta wadamadda Geeska afrika,xildhibaankan asalkiisu yahay Soomaali ayaa laga soo doortay gobolka waqooyibari ee dalkaasi Finland halkaasoo saldhig u ah Soomaalida ku nool dalkaasi Finland. Xildhiban Suldaan Siciid Axmed ayaa diiradda saari doono nabadaynta gobolka ugu xasaradda badan Qaardda Afrika sidaas waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland.
ISHA WARKA ANADOLU.