FARANSIISKA OO DIIDAY IN LA XIRTO CABAYADAHA.
(AWIRKA MUSLIMIINTA FARANSIISKA JOOGA.
(PARIS)-Dalka Faransiiska waxa uu ka mid yahay wadamadda Yurub ey ka jirto Diin neceybka aan kala sooca lahayn balse waxaa dalkaasi si aad ah looga neceb yahay labiska ey qaataan dumarka Muslimiinta ah,qarniyo ka hor ayey ahayd markii dalka Faransiiska uu joojiyey waxyaabaha dhaqanka diinta ku saleeysan in derbiyada dugsiyada dalkaasi lagu dhejiyo. Muxaafidiinta dalka Faransiiska ayaa si aad ugu sacab tumay soona dhaweeyey go’aanka ey xukuumadda Faransiiska ku joojinayso iney caruurta gabdhaha Muslimiinta ah iney xirtaan Cabaayadaha marka ey adaayaan dugsiyadda ee maamusho xukuumadda Faransiiska,laakinse arrintaan ayaa la kulanta mucaaradad aad u weyn iyo cambaareyn wadata is hortaag.
ISHA/ARAB.