SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

FARANSIISKA: IMAAM LOO HAYSTO INUU FAAFIYEY NECEYB.

(SAWIRKA)-MASJID KU YAALO FARANSIISKA.

(FRANCE-PARIS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Faransiiska Gerald Darmanin ayaa codsaday in lagala noqdo sharciga deganaanshaha Imaam u dhashay dalka Tunisiya lana yiraahdo Imaam Mahjuub Mahjuubi,sababta ayaa lagu sheegay iney tahay in laga saaro dalka Faransiiska waayo Imaamka ayaa lagu eedeeyey inuu gudbiyey baaqyo neceyb ah kuwaaso uu kaga soo horjeedo kuna weeraray calanka seddexda Midab leh ee dalka Faransiiska waa sida uu hadalka uu u dhigay Wasiir Dermanin ,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka ee France Press Talaadad maanta ah. Wasiir Dermanin ayaa ku sheegay fariin lagu daabacay barta(X) maalintii Axada 18/2/24-ka inuu ka codsaday sarkaal haysta booliska Gobolka Gard ee dhaca koonfurta dalka Faransiiska lana yiraahdo Jerrom Bonnet inuu u sheego “Xeer ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Mawqifka Imaamka”. Waxa uu intaas Wasiirku ku daray “Ma jiro baaq nacayb ah oo aan laga jawaabin”. Muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada,Imaamka magaaladda Banyuls-Sur-Seize Mahjub Mahjubi wuxuu ku tilmaamay calanka seddexda midab leh inuu yahay Calan Sheydaan ah oo aan wax qiimo ah ku lahayn ilaah hortiisa” ma uusan cadeyn inuu ka hadlaayo calan dalka Faransiiska.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.