FALCELIN KA DHALATAY HESHIISKA XAMAAS IYO ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-DAGAALKA MARINKA GAZA.
(QATAR-EGY)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in halkaasi maanta oo Arbaca ah ey heshiis ku gaareen Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil,heshiiska la gaaray ayaa ka kooban ilaa iyo sideed Qodob oo ey wada aqbaleen labada dhinaca lana faafiyey. Reysala Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan AL-Thani ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Dooxa ka dib markii dhinacyada ey ogolaadeen Heshiiska ayaa sheegay in la gaaray Heshiis uuna dhaqan geli doono Axada soo socoto,Heshiiska ayaa ah mid caalamka nabadda jecel ey wada sugaayeen waayo dagaalka Marinka Gaza ayaa ah midkii ugu xumaay ee soo mara dadka reer Falastiin. Hadaba,dagaalka Gaza ayaa maanta galay maalintiisii 465-aad waxa uuna soo bilawday 7/10/2023-kii,waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 46,707-Qof, kuwaaso 18,858-qof ey yihiin Caruur, 11,046-qof ey yihiin Dumar, waxaa dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 110,265-qof, waxaane nolol iyo geeri lagu la’ayahy ilaa hadda dad gaaraayo ilaa 11-kun qof. Heshiiskaan ayaa waxaa laga bixiyey Falcelino kala duwan waane sidaan: (1)-Qaramadda Midoobe waxa ey sheegtay in loo baahan yahay Taageero deg deg ah. (2)-Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa yiri”Ma jirto meel ey Argagixiasadu ku gabadaan”. (3)-Madaxweynaha Xilka kasii degaayo ee dalka Maraykank Joe Biden ayaa yiri’”Waan ku faraxsanahay”. (4)-Midawga Yurub ayaa isagana yiri”Dhaqan gelin buuxda”. (5)-Dalka Turkiga ayaa isagana yiri”Xasilooni joogta ah” (6)-Masar oo qeyb ka ahayd dalalka wedey in dagaalka la joojiyo ayaa iyadana tiri”Dedejinta gaarsiinta Gargaarka”. (7)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa tiri”Wax ka qabashada Aas aaska Khilaafka”. (8)-Ciraaq, waa in gargaarka yimaadaa isla markiiba. (9)-Urdun,ayaa tiri’Waa in la qaadaa tallaabo caalami ah oo deg deg ah”. (10)-Faransiiska ayaa sheegay in la ixtiraamo heshiiska lana gaaro xal Siyaasadeed. (11)-Jarmalka ayaa isagana sheegay in hesiisku furay Albaabka Xabad joojin waarta. (12)-Ingiriiska ayaa sheegay in Heshiiska yahay mid ey in mudda ah ey sugaayeen shacabka reer Falastiin iyo kan Isra’iil. (13)-Talyaaniga ayaa sheegay in heshiisku yahay talaabo loo qaaday dhinaca Nabadda. (14)-Isbeyn ayaa heshiiska u tixgelisay tallaabo aan laga maarmi karin oo ah wada loo maraayo xalka labada Dawladood. (15)-Kanada ayaa soo dhaweysay Heshiiska,waxa eyna sheegtay iney taageeri doonto dhammaan dadaaladda la doonaayo in lagu dhaqan geliyo. (16)-Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobe ee Xuquuqul Aadanaha ayaa muujiyey Nafis Qoto dheer ku dhawaaqidda wejiga koowaad ee heshiiska. (17)-Hayadda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa heshiiska ku tilmaantay”Nabaddu iney tahay Daawadda ugu fiican”. (18)-Hayadda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa heshiiska ku sheegtay in “Xabad Joojintu tahay Bilaw eysan ahay Dhammaad”.
ISHA-WAKAALADO.