FADHIGII 31-AAD EE MADAXDA CARBTA OO LA SOO…
SHIRKII JAAMICADDA CARABTA EE ALJEERIYA.
(ALGERIA)-Dalka Aljeeriya caasimadiisa Aljeris ayaa waxaa shalay oo Talaado ahayd ka furmay shirkii 31-aad una dhexeeyey madaxda wadamada xubnaha ka ah Jaamicadda Carabta,shirka nuucaan ah ayaan qabsoomin seddexdii sano ee la soo dhaafay sabab la xiriirto cudurka Cvid-19,fadhigaan ayaa waxaan ka qeybgelin madax uu ka mid yahay boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan,waxaa isna Isniin la soo dhaafay ka cudur daartay ka qeybgalka shirka Aljeeriya boqoroka dalka Marooko Maxamed-ka Lixaad,hadaba shirka oo socday 1/11/22 ilaa 2/11/22-ka ayaa waxaa maanta oo Arbaca ah laga soo saaaray bayaan ka kooban shan qodob ey ugu muhiimsanayen:(1)-Arrinta dadka reer Falastiin iyo dhibaatooyinka Yuhuuda. (2)-Xaaladda dalakka Carabta ka jirto waqtigaan. (3)-Xoojinta iyo Casriyeenta wada shaqeynta ka dhexeyso dalalka Carabta. (4)-Xiriirka wadamada Carabtu la leeyihiin wadamadda deriska la ah oo la wanaajiyo. (5)-La socodka xaaladaha ka jiro wadamadda caalamka waqwtigaan la joogo. Shirkaan 31-aad ee Madaxda wadamada Carabta ayaa waxaa dalka Soomaliya uga qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaminaayo waxa eyna halkaas kula kulmeen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Gutarres waxa eyna kala hadleen sidii Soomaaliya looga qaadi lahaay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya soo saarneed muddo dheer.
ISHA WARKA ELALHBAR.