SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

EYMAN AL-SAFADI”2024-KA WAA SANNADKII DHIMASHADA”HADDII…

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA URDUN EYMAN AL-SAFADI

(AMMAN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Urdun Eyman AL-Safadi ayaa sheegay maanta oo Axad ah(31/12/23)-ka in sannadka cusub ee 2024-ka uu noqon doono sannadkii Dhimashada hadii aan la joojin ajandaha Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ee ku aadan Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin xilli ey Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza ey ku dhawaaqday iney kordheen tirada Shuhada kuna dhawdahay ilaa 22-kun qofood kuwaaso u badan Caruur iyo dumar aan waxba galabsan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa(X) ee loo yaqiinay Twitter Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Urdun Eyman AL-Safadi ayuu ku yiri”Isra’iil waxa ey Gaza kula kacday dembiyo dagaal oo aad u xun,gudiga sarene ma uuan joojin arrintaas”waxa uuna Wasiir AL-Safadi carabka ku adkeeyey daahfurka nidaanka caalamiga ah ee ey dhibaateeyeen labada geesood. Wasiir AL-safadi ayaa intaas raaciyey “sannadka 2024-ka waxa uu noqon doonaa sannadkii geeridda haddii aan la joojin ajandaha Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ee ah in dagaal uu ka shidnaado Marinka Gaza,Daanta Galbeed iyo dalka Libnaan si reer Galbeedka loogu soo jeediyo dagaalka lana badbaadiyo xirfada Ney-tanyahu”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.