DUMAR LOO MAGACAABAY XILAL.
Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa waxa uu laba dumar ah u magacaabay xilal dhinaca maamulka ah waxa eeyna kormeerayaal ka noqon doonaan labada Masjid ee Maka iyo Madiina. Alanoud iyo Fadumo waxaa loo magacaabay ineey kaaliyeyaal u noqdaan madaxa labada Masjid(Maka iyo Madiina) Sheekha C/raxmaan Alsudeysi,labadaan dumar ee loo magacaabay xilalka ayaa haysta shahaadad Daktoorka. Sida eey sheegeen masuuliyiin reer Sacuudi ah shaqaaleynta dhinaca Dumarka ah ee Sacuudiga ayaa kor u kacday waxa eeyna gaartay 33% sannadkii 2020-kii halka eey ahayd 20% sannadkii 2018-kii. XIGASHO ANADOLU.