DUMAR IYO CARUUR KU HAFTAY XEEBAHA LIIBIYA.
Dalka Liibiya waxa uu ka mid yahay wadamadda Yurub looga tahriibo ayadoo la sii maraayo badda Miditereeniyaanka iskuna xirta dalalka Talyaaniga iyo Liibiya,maalintii Talaadada ahayd ayaa la soo weriyey in dad ku hafteen biyaha u dhexeeyo Liibiya iyo Talyaaniga inta la ogyahayne waxaa shilkaas ku geriyootay laba dumara iyo seddex caruur ah.Doonta oo ka baxday dalka Liibiya ayaa waxaa saarnaay dad aad u fara badan waxaane la soo badbaaiyey 77- qofood sida eey shegtay afhayeenka IOM ee dalkaas Liibiya Safa waxaane gacanta lagu soo dhigay ayagoo nool dad gaaraay 400-qofood waxaane dib loogu celiyey dalka Liibiya waxa eeyna hadda ku xiran xabsiga buux dhaafay eeyna ka buuxaan dad u badan muhaajiriin afrikaan ah.Hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhawr jeer ka hadlay xabsiga buux dhaafay eeyna lidato xaladiisa caafimaad basle cid ka maqashay ma jirto,waxaane kaloo laga soo sheegayaa xabsigaas ineey ka jirto jirdil loo geeysto maxaabiista kuwooda wax dalbada amaba ka cawda nolol xumidda meshaas ka jirta gaar ahaan si aada looga cabaaday ilaladda xabsigaas.XIGASHO MEMO