SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Dr.RASHA NAASIR AL-CALI OO LA AFDUUBAY.

(SAWIRKA)-HAYADAHA AMNIGA XUMUS.

(XUMUS-SYR)-Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaagyo in Waaxda Amniga ee Xumus ey beenisay fiidnimada caawa oo Sabti ah in Dr.Rasha AL-Cali la helay iyadoo la dilay,waxaane la xaqiijiyey in baadi goobkeeda uu weli sii socdo ka dib markii la helay xog sheegeysa in la afduubay. Warar la isla dhexmaraayo ayaa sheegaayo in Dr.Rasha la helay iyadoo faraha laga gooyey todobaad ka dib markii la afduubay. Si kastaba ha ahaatee Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suriya ee SANA oo soo xiganeysa ilo ka tirsan maamulka Amniga Xumus ayaa sheegtay in maamula Amniga Gobolkaasi uu helay “Xog ku saabsan afduubkii loo geystay Bare Sare oo Jaamicadeed Rasha Naasir AL-Cali shan maalmood ka hor,waxayna bilaabeen baaritaano,waxaane weli socdo baaritaanadda iyadoo lala kaashanaayo qoyska haweeneyda la afduubtay si loo garto kuwa geystay afduubka ka dibne cadaaladda loo horkeeno”. Isha ayaa sii wadatay waxa eyna tiri”Waxaan xaqiijineynaa in waxa la faafiyey ee ku saabsan helista Meydka Dr.Rasha Naasir AL-Cali eysan run ahayn welina baadi goobkii ayaa socda,mana jiro war sax ah oo ku saabsan Dr.Rashaa weli”. Isha ayaa ku nuuxnuuxsatay,iyadoo tiri””Waxaan xaqiijineynaa inaan ka fiirsan doono ama aan ka tegi doonin kiis kasta oo aan daba geli doono,waxaane u soo celin doonaa xuquuqda dadkii lahaa,waxaane la xisaabtami doonaa dembiileyaasha,waxaane noqon doonaa gashaanka dakeyna iyo ilaalinta xasiloonidooda. Waxaan ugu baaqeynaa dadkayaga iney kaalmeyaan hayadaha amnigeyna”. Waxaa xusid mudan in Dr.Rashaa Naasir AL-Cali ey ahayd Qoraa iyo Bare sare oo wax ka dhigta Kulliyadda Fanka ee Jaamicadda Xumus,waxa eyna ka tirsan tahay Ururka Qorayaasha Carabta. Dr.Rashaa,waxaa afduubtay rag hubeysan maalintii Isniinta ee la soo dhaafay xilli ey ka timid gurigeeda oo ku yaalo “Masaakin AL-Idkhaar”,waxa eyna ku sii jeeday Jaamicadda Xumus oo ku taalo bartamaha magaaladda Xumus. Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Suriya ayaa warbixin ey Arbacadii soo saartay ku cambaareysay aduubka,waxayna xustay in “ey awoodi weyday iney aqoonsato kooxda afduubka u geysatay Dr.Rashaa Naasir AL-Cali”. Dr.Rashaa AL-Cali ayaa ka soo muuqatay baraha bulshada iyadoo xaqiijisay diidmadeeda”in caado ah oo lagu soo rogaa iyada ineysan aqbali doonin”.

ISHA-AA.