SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DOORASHADDA LIIBIYA OO DIB U DHACDAY.

(LIIBIYA):Dhawrkii sano ee la soo dhaafay waxa eey dhibaato ka taagneed dalka Liibiya cidda hogaankiisa qabanayso waxaane dalkaas taladiisa haayey sannadadii ugu dambeeyey dawlad ku meel gaar ah uu caalamku aqoonsan yahay,dawladaas ku meel gaarka ah ayaa looga fadhiyey ineey dalka Liibiya gaarsiiso doorasho loo wada tartami karo.Sida la wada ogsoon yahay dalka Liibiya waxaa ka jiro hogaamiyeyaal iska soo wada horjeedo garabna ka helaayo dawladdo shisheeye tusaale ahaan dawladda la aqoonsan yahay waxaa garab u ah dalka Turkiga,Generaalka hawlgabka ah ee Xaftar waxaa garab u ah Imaaraatka iyo Ruushka,waxaa intaas dheer in wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Liibiya Qadaafi lana yiraahdo Seyfal Islaam qadaafi inuu isagana qeyb ka yahay tartamaaysha xilka madaxweynaha Liibiya.Doorashadda dalka Liibiya ayaa loo balansanaay in la qabto 24/12/2021-ka balse dib ayey uga dhacday mana la sheegin goorta la qabanaayo doorashadda,arrinta doorashadda madaxweyne iyo tan baarlamaanka dalka Liibiya waxaa ka taagan ismariwaa kii ugu xumaay eeyna u sabab yihiin dalal shisheeye oo dano gaara ka leh dalkaas waxa uuna dal kasta jilaafo u dhigaa doorashadda dalka Liibiya haddii uu u jeedi waayo shaqsigii uu watay waa isbaaro siyaasadeed oo ka socoto dalka Liibiya.ISHA AP

HALKAAN KA SII AKHRI.