SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DOOMO HUB TAHRIIB AH WEDAY OO LA…

XEEBTA BANDAR BAYLA EE G/BARI PUNTLAND.

(BANDAR BEYLA)-Sida eey daaha ka qaaday warbixin eey qortay warbaahinta dalkaasi Yaman maanta oo Isniin ah,ciidamadda amaanka ee degmada BANDAR BEYLA ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa gacant ku dhigay laba doon uu saaran yahay hub laga soo tahriibiyey dhulka eey maamulaan maleeshiyaadka Xutiyiinta dalkaasi Yaman,hubka lagu qabtay degmada BANDAR BEYLA ayaa la sheegay inuu ku socday kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya. Ila wareedyo ku dhaw maamulka degmada Bandar Beyla ayaa laga soo xigtay ineey sheegeen in dadka la socday doomaha hubka siday ee la qabtay u kala dhasheen dalalka Yaman iyo Soomaaliya waane koox isku xiran tahriibisana hubka laga soo iibiyo kooxda Xuutiyiinta loona gudbiyo kooxda Alshabaab ee dalka Soomaaliya. Hubkaan la qabtay ee laga keenay degaanada eey maamulaan maleeshiyaad Xuutiyiinta ayaa laga keenay dalkaasi Iraan gaar ahaan Ilaalad Kacaanka Iraan. Labada doon ee tahriibinaayey hubka sharci darada ah kuna wajahnaay kooxda Alshabaab ee lagu qabtay degmada Bandar Beyla ee gobolka Bari Puntland ayaa waxaa iska lahaay nin u dhashay dalka Soomaaliya lana yiraahdo Axmed Mataan,ninkaan ayaa la sheegay inuu horay dalka Soomaaliya ugu tahriibiyey waxyaabaha qarxa lagana keenay dalkaasi Iraan kuwaaso loo adeegsaday qaraxii ZOOBE ee dhacay 14/10/2017-kii,qaraxaas ayaa waxaa ku geriyooday kuna dhaawacmay dad ka badan shan boqol(500)-qofood.

ISHA WARKA YAMAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.