DIYRADI KU DHACDAY LOCKERBIE OO DACWADEEDA…
PAN MAERICAN.
(QAHIRA)-Mid ka mida raga hogaanka dalka Liibiya kula tartamaayo Reysal Wasaare C/xamiid Dabeib ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu baaq u diray dawladda Maraykanka baaqaaso uu kaga codsanaayo in la sii daayo sarkaalka ka tirsan sirdoonka dalka Liibiya kaaso loo haysto inuu bambo ku qarxiyey diyaaradda laga lahaay dalka Maraykanka ee Pan America waqti ey ku jirtay duulimaadka tirsigiisu yahay 103,waxa eyna diyaaradu ku dul burburtay Lockerbie ee Scotlanda sannadkii 1988-dii. Diyaaradda burburtay ayaa waxaa ku dhintay dhammaan dadkii saarnaay oo ma jirto cid ka badbaaday,sarkaalka ka tirsan sirdoonka Liibiya ayaa hadda maxkamad uga socotaa dalka Maraykanka.
ISHA WARKAAP.