SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DIYARADAHA RUUSHKA OO DAD SHACABA KU DILAY…

(SAWIRKA)-BURBURKI SOO GAARAY DHISMAYASHA SHACABKA.

(IDLIB-SYRIA)-Seddex qofood oo shacab ah ayaa ku geeriyooday weerar dhinac cirka ah ey qadeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka maanta oo Sabti ah waxaane weerarka lagu qaaday tuulo ku taalo Waqooyi-GALBEED dalka Suriya,sidaas waxaa laga soo xigtay ila wareedyo maxali ah. Laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah lagana leeyahay dalka Ruushka ayaa ka soo duuulay saldhiga ciidamadda cirka ee Khameimim kuna taalo Latakiya saacadu markeey ahayd 10:50-subaxnimo waqtiga dalka Suriya waxa eyna qaadeen afar weerar oo dhinaca cirka ah kuna qaadeen tuulada la beegsaday,sidaas waxaa sheegay mucaaradka Suriya ee korjoogteeyo weerarada ey gaystaan diyaaradaha Ajaanibta ee ka hawlgala dalka Suriya.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.