DIYAARADAHA MARAYKANKA OO WEERARAY…
(SAWIRKA)-GOOBTA LA WEERARAY.
(SYRIA)-Diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa weerar cirka ah waxa ey ku qaadeen kooxo ey taageerto dawladda Iraan kuna sugnaay Gobolka Diira-Azur ee dhaca bariga dalka Suriya halkaaso uu dagaal ku dhexaray qabaa’il Carab ah iyo kooxaha PKK iyo YPG ee uu Turkiga u aqoonsan yahay Argagixisada,sidaas waxaa laga soo xigtay ila wareedyo maxali ah. Ila wareedyo ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Anandolu ee laga leeyahay dalka Turkiga in xaaladdu tahay mid aan la kala cadayn karin waayo kooxaha ey taageerto Iraan ayaa isugu soo ururay goobta ey wax ka dheceen taaso ku fidsan dhulka u dhexeeyo Abu Kamaal ee dhaca bariga gobolka Diira Azuur ilaa Wabiga Furaat.
ISHA/AA.