DIYAARADAHA ISRAA’IIL OO DILAY SEDDEX…
SAWIRA-MEYDADKII DADKII KU LE’EDAY WEERARKII GAZA.
(GAZA)-Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa weerar cirka ah waxa ey ku qaadeen marinka Gaza subaxnimadii maanta oo Talaada ah(9/5/23)-ka,weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday Hogaamiyeyaasha Ururka Islaamik Jihaad iyo agabkooda,sidas waxaa sheegay mileteriga Israa’iil. Kooxaha reer Falastiin ee la weeraray ayaa sheegay in laga dilay seddex hogaamiyeyaal sare ah iyo qoysaskooda waqti ey hurdaayeen guryahooda aroornimadii hore ee maanta. Masuuliyiinta reer Falastiin ayaa sheegay in weerarka ey qaadeen diyaadaha dagaalka ee Israa’iil lagu dilay dad gaaraayo 13-qofood eyna ku jiraan ugu yaraan afar caruur ah,afar dumara,xaasas iyo dad la deris ahaay goobta la weeraray.
ISHA WARKA CBS.