DIYAARADAH MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY XUUTIYINTA.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey weerar ku qaadeen laba Markab oo kuwa dagaalka ah uu leeyahay dalka Maraykanka kuna sugnaay badda Cas maanta oo Talaada ah. Tv-ga taabacsan Xuutiyiinta Yeman ee AL-Masirah ayaa sheegay in Xuutiyiinta ey qaadeen laba weerar oo loo adeegsaday Gentaaladda Balastikada ah iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka,dhinaca kale ciidamadda cirka ee dalalka Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska oo ka jawaabaayo weerarka Xuutiyiinta ayaa iyagana qaaday seddex weerar oo dhinaca cirka ah,weerarada ayaa ka dhacay dhulka ey ka taliyaan Xuutiyiinta kuna yaalo Gobolka Xudeyda ee dhaca Galbeedka dalka Yeman. Goobihii ey weerareen ciidamadda cirka ee dalka Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa kala ah AL-Jabaanah oo la weeraray laba jeer iyo Ra’asi Ciisah oo la weeraray hal mar labadaan goobood ayaa ka tirsan degmada AL-Saliif ee dhacana Waqooyi Galbeed ee degmada Xudeyda,laba ka mid ah weerarada ayaa waxaa lala beegsaday xero ey iska leeyihiin ciidamadda difaaca cirka ee Xuutiyiinta,Degaanka AL-jabaanah waxaa la weeraray laba halka degaanka Ra’asi Ciisah la weerar hal mar.
ISHA/SB-MEDIA.