SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DHULGARIIR KU DHUFTAY DALKA ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-DHULGARIIR.

(ADDIS ABABA)-Sida ey sheegtay Xarunta Cilmi Baarista ee Jijiyoolojiyadda dalka Jarmalka ee (G.F.Z), dalka Itoobiya ayaa waxaa ku dhuftay dhulgariir qiyaastiisa ey dhan tahay 5.5 Bariga caasimadda Addis Ababa,subaxnimadii hore ee Sabtida,Xarunta ayaa intaas raacisay in dhulgariirka uu hoos u gaaray dhulka ilaa toban kiilomitir. Dhulgariir kale oo cabirkiisu yahay 5.8 ayaa ku dhuftay dalka Itoobiya saacadu markey ahayd 12:00-subaxnimo,sida ey sheegtay Xarunta Jarmalka. Hayadda Isgaarsiinta Dawladda itoobiya ayaa sheegtay in ilaa 80-kun qof ey ku nool yihiin meelaha ey dhibaatadu ka dhacday,waxaane dadka ugu nugul iyo kuwa baahan loo rarayo guryo ku meel gaar ah. Gudiga Maareynta Khatarta Musiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay iney daad gureeyeen in ka badan 20-kun oo qof degaanadda nabdoon ee Cafarta iyo Oromada,marka la isu geeyo waxa ey ka badan 51-kun ayaa wajahaayo khatar. Dhulgariirku waa ku badan yahay dalka Itoobiya sababto ah meesha uu ku yaalo ee ku teedsan Wabiga weyn ee Rift Valley, oo ah mid ka mid ah meelaha ugu badan ee uu ka jiro Dhulgariirka adduunka. Dhulgariiradda iyo Folkaanada ey sababeen balaarinta taariikhda Tektonik ee Dooxadda hoose.

ISHA-AA