DHAXAL SUGAHA KUWAIT OO AQBALAY…
BAARLAMANKA KUWAIT.
(KUWAIT)-Dalka Kuwait waxa uu ka mid yahay lixda dalka ee la isku yiraahdo Wadamadda Khaliijka kalana ah “SACUUDIGA,BAXRAYN,IMAARAATKA,CUMAAN,QADAR KUWAIT”,dalkaan ayaa qabtay wax u eg doorasho xor ah oo dhacday bishii sebtemba-2022-kii waxaane doorashadaas lagu doortay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Kuwait. Dhaxal sugaha dalka Kuwait Amiir Mashcal ayaa magacabay Reysala Wasaare soo dhisa xukuumad uu yeesho dalka Kuwait,hadaba RW-Sheekh Axmed Nawaf Al-sabah ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu iscasilaada xukuumadiisa u gudbiyey dhaxal sugaha Kuwait Amiir Mashcal Al-Jabir Al-Sabaax ka dib markii uu xumaaday xiriirkii ka dhexeeyey labada hayadood tan fulinta iyo tan sharci dejinta(baarlamaanka) ee dalka Kuwait,sababta keentay in xiriirka labada hayadood xumaado ayaa lagu sheegay ineey tahay dhinaca isla xisaabtanka.
ISHA WARKA AA.