SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DENMARK OO SHARCI KA SOO SAARTAY…

(SAWIRKA)-KITAABA QURAANKA KARIIMKA AH.

(COPENHAGEN)-Wararka ka imnaayo caasimadda dalka Denmark ee COPENHEGAN ayaa sheegaayo in maanta oo Khamiis ah ey soo saartay sharci cusub oo wax ku ool u ah dembiyadda la galo waqtiga Mudaaharadyada la dhigaayo kuwaaso lagu gubaayo Kitaabka Qariimka ah taaso ah Islaam Nacayb. Ka dib Dood adag oo dhexmartay garsoorayaasha sharcigaan ayaa lagu ansixiyey 94-cod,halka 77-cod ey ka soo horjeesteen,baarlamaanka Denmark ayaa ka kooban 179-xubnood. Sharcigaan cusub ayaa sharci darri waxa uu ka dhigayaa in la gubo,la jeexjeexo ama la nijaaseeyo Qoraaladda Qudusiga ah meel fagaara ah ama Internet-ka si aad ah loogu faafiyo. Dalalka Denmark iyo Sweden ayaa waxa ey ku caan bexeen iney sameeyaan dembiyo ka dhan Muslimiinta waxaane dalalkaasi ka dhacday in meel fagaara ah lagu Gubo Kitaabka Quraanka kariimka ah,meelaha qaarne inta dhulka la dhigo lagu istaago ayadoo laga duubaayo Video.

ISHA/MOM.

HALKAN KA SI AKHRISO.