SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DEG DEG: MARAYKANKA OO SOO RIDAY GENTAAL LAGA SOO RIDAY YEMAN.

(SAWIRKA)-MARAKAB UU LEEYAHAY MARAYKANKA.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Markabka dagaalka isla markaasne qaada diyaaradaha dagaalka ee laga leeyahay dalka Maraykanka lana yiraahdo USS MASON(DDG87) uu soo riday Gentaalka lidka Maraakiibta ah eyna soo rideen Xuuiyiinta Yeman, Gentaalka ayaa lala soo beegsaday Gacanka cadmeed iyadoo loo malaynaayo in loo soo jiheeyey Markab qaada Shidaalka kuna sugnaay halkaasi. Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) bayaan uu soo saaray ayuu ku yiri”Maqribnimadii maanta oo Sabti ah(24/2/24)-ka waqtiga maxaliga ah ayuu Markabka USS Mason soo riday Getaal nuuciisu yahay kan lidka Maraakiinta ah,waxaane Gentaalkaas laga soo riday dhulka ey Xuutiyiintu maamulaan ee dalka Yeman,waxa eyna u badan tahay in Gentaalku Bartilmaameedkiisu ahaay “TOM THOR” oo ah Markab qaada shidaalka iyo waxyaabaha Kiimikada ah lagana leeyahay dalka Maraykanka”. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa sheegay in Markabka dagaalka ee USS MASON eysan waxba gaarin booyadahiisa,goor sii horeysay oo maanta ah ayuu taliska dhexe shaaciyey in weerarkii ey Xuutiyiintu ku qaadeen Markabka Rubymar 18/2/24-ka ey sababtay in shidaal fara badan badda ku daato,waxa uuna taliska dhexe ka digay Masiibo degaan.

ISHA/ALARAB.