DAWLADDA URDUN OO U YEERTAY SAFIIRKA HOLLAND.
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA URDUN.
(AMMAN)-Muran ayaa waxa uu ka dhashay ruqsad siin idaacad gudaha dalkaasi Urdun,xukuumadda Urdun ayaa cambaareeysay safiirka dalka Holland u fadhiyo dalka Urdun ka dib markii uu soo farageliyey arrimaha gudaha dalkaasi Urdun. Safiirka dalka Holland u fadhiyo dalka Urdun Harry Verweij ayaa codasday ogolaansho ruqasad idaacad taaso uu u rabo shaqsi ka soo jeedo dunidda seddexaad waqti lagu guda jiray kulan u dhexeeyey Wasiirul dawlaha Arrimaha Warfaafinta ee dalka Urdun Faysal Al-Shabul sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Urdun,dhinaca kalane Wasiirka ayaa u yeeray Safiirka Holland u fadhiyo dalka Urudun waxa uuna Wasiirku cambaareeyey faragelinta arrimaha gudaha uu sameeyey Safiirka dalka Holland.
ISHA WARKA AA.