SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAWLADDA MASAR OO KA DIGTAY IN DAGAALKA MARINKA GAZA UU SII SOCDO

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MASAR SAAMAX SHUKRI.

(ANTALYA)-Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Masar Saamax Shukri oo ka qeybgelaayo Madasha Antalya ee dalka Turkiga ayaa waxa uu u waramay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu maanta oo Jimca ah,Wasiir shukri ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ey muhiim u tahay in la helo xabad joojin la dhex dhigo Xoogaga Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil ka hor inta eysan dhallan bisha Barakaysan ee Ramadaan. Wasiir Shukri ayaa yiri”Waa lagama maarmaan in la gaaro xabad joojin ka hor bisha Ramadaan si lo badbaadiyo dadka Falastiiniyiinta ah”,Wasiirka ayaa hadalkaan u sheegay Wakaaladda Wararka ee Anadolu intii lagu guda jiray ka qeybgalka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga. Wasiir Shukri ayaa carabka ku adkeeyey in”Wax aan la qabali doonin ey noqon doonto in dhaqdhaqaaqyada mileteri iney sii socdaan” inta lagu guda jiro bisha Ramadaan “sameynta ey yeelan doonto kaliyah ma aha dadka rayidka ah ee reer Falastiin ee ku kala sugan Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed laakinse waa mid saameyn doonto dadka oo dhan”,Wasiirka ayaa mar kale ku celiyey in dalka Masar uu diiday qorshaha lagu barakicinaayo dadka reer Falastiin gudaha iyo dibadda.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.