DAWLADAHA CIRAAQ IYO SURIYA OO KA HADLAAYO…
(SAWIRKA)-MW-BASHAAR AL-ASAD IYO RW-SUDANI.
(SYRIA)-Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Al-Sudani ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar Al-Asad gudaha caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq,waane markii ugu horeysay uu booqdo Reysal Wasaare reer Ciraaq ah dalka Suriya tan iyo sannadkii 2011-kii. Labada dal ee Suriya iyo Ciraaq ayaa go’aan ka gaaraayo arrimo badan uu ugu horeeyo Amniga iyo iney fududeeyaan hawlaha isu socodka ee xuduudka labada dal u dhexeyso taaso dhererkeedu yahay 600-kiilomitir,sidoo kale labada dal Suriya iyo Ciraaq ayaa isku raacay sidii hoos loogu dhigi lahaay tahriibinta Maandooriyaha isaga kala goosha xuduudaha labada dal.
ISHA/MEE.