DAVID CAMERON OO KA HADLAY WEERARKA ISRA’IIL EE RAFAX.
(SAWIR)-KA.REYSAL WASAARAHA INGIRIISK DAVID CAMERON.
(LONDON)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqrtooyadda Ingiriiska(UK) David Cameron ayaa sheegay in Uk eysan ku raaci doonin dalka Maraykanka joojinta hubka laga iibiyo Isra’iil,Cameron ayaa sheegay boosaska ey kala taagan yihiin UK iyo Maraykanka eysan ahayn kuwa la is barbardhigi karo bacdmaa Uk eysan ahayn dawlad weyn oo hub ka iibisa Isra’iil. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron ayaa intaas ku daray in Uk eysan taageerin duulaanka balaaran ee lagu qaaday magaaladda Rafax,haddii eysan arag qorshe lagu ilaalinaayo nolosha dadka rayidka ah,mawqifkaasi oo ey Uk ku celcelisay bishii la soo dhaafay. Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa sheegy ineysan wax fikrad ka qabin kooxda Xamaas iyo Isra’iil ey ku dhaw yihiin mawqifka UK ee xabad joojinta labada dhinac ah,oo ka bilaabma xabad joojin bani’adanimo oo horseedeysa xabad joojin joogta ah. Isra’iil ayaa ku andacootay in dalabka ey aqbaleen Xamaas Axadii uu ka duwan yahay midkii ey Isra’iil u diyaarisay iney aqbasho todobaad ka hor. Isagoo su’aalo la weydiinayo dhammaadka khudbadiisa dheer oo uu ku muujinaayey aragtidiisa Siyaasadeed ee Arrimaha Dibadda ka dib lix bilood ee uu shaqada ku jiray,Cameron waxa uu yiri” Farqi weyn ayaa u dhexeeyo xaaladda Maraykanka iyo xaaladda Ingiriiska”taaso uu ula jeedo in dalka Maraykanka uu la leeyahay xiriir wanaagsan dalka Isra’iil.
ISHA/THE GUARDIAN.