DALKA URDUN OO KA HORYIMID BARAKICINTA REER FALASTIIN.
(SAWIRKA)-WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA URDUN IYO MARAYKANKA.
(AMMAN-JORDAN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa booqasho rasmi ah waxa uu ku marayaa Gobolka Bariga dhexe ka dib markii kulan adag uu la soo yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Hakan Fidan,kulankaas ayaa waxaa lagu lafa guray xaaladda adag ee ka taagan Marinka Gaza iyo barakicinta shacabka reer Falastiin. Wasiir Blinken ayaa waxa uu soo gaaray caasimadda dalka Urdun ee Camaan waxa uuna halkaasi kula kulmay dhigiisa dalka Urdun Eyman Safadi, Xukuumadda Urdun ayaa maanta oo Axad waxa ey sheegtay in dalka Maraykanka ey kula heshiisay diidamada qasabka ah ee Falastiiniyiinta looga barakicinaayo Marinka Gaza. Wasiirka Arrimaha dibadda Urdun Eymana Safadi ayaa carabka ku adkeeyey sida ey lagama maarmaanka u tahay in Marinka Gaza laga gaaro Xabad joojin deg deg ah isla markaasne ah mid joogta ah,Wasiir Safadi ayaa waxaan waxba ka jirin ku tilmaamay soo jeedin kasta oo Marinka Gaza lagaga soocaayo Daanta Galbeed,sida lagu xusay Warmurtiyeedka lagu sheegay labada Wasiir waxa ey isla garteen muhimadda ey leedahay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo dhulka reer Falastiin.
ISHA/AA.