SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA QADAR OO EDEYN U SOO…

KHARIIDADA GACANKA.

(DUBAI)- Dawladda Qadar ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dalka Qadar Cali Shariif Al-Cimaadi uu wajahaayo edeymo ey ka mid yihiin Laaluush iyo Lunsasho lacageed waqtigii uu ahaay Wasiirka Maaliyadda dalka Qadar. Wasiir Cali Shariif Al-Cimaadi ayaa waxaa la xiray bishii Meey-2021-kii waxaane Wasiirka loo xiray qadiyad inta laga ogyahay ey yar tahay isla markaasne aan la shaacin,qoraal kooban oo ku soo baxay Wakaaladda Wararka Qadar(QNA) ayaa lagu sheegay in Xeer ilaalinta Qadar ey Wasiir Al-Cimaadi ku edeysay dembiyo uu galay waxa eyna Xeer Ilaalinta intaas raacisay in Wasiir Al-Cimaadi hortegi doono Maxkamadda qaada dembiyadda,Wakaaladda Wararka Qadar(QNA) ayaan sheegin inta ey la eg tahay lacagta uu lunsaday Wasiir Al-Cimaadi.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.