DALKA MAROOKO OO XABSIGA U TAXAABAY…
XASAN RABIICI.
(RABAAT)-Dalka Sacuudiga ayaa weli wada ugaarsiga dadka u dhashay Sacuudiga balse ka fikrada duwan maamulka hadda jira uu hor boodaayo dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan,waxaane jiro dad badan oo Sacuudiyiin ah oo ku jira xabsiyadda dalkasi,hadaba walaalka nin u dhashay dalka Sacuudiga oo lagu xiray dalka Marooko ayaa xukumada Marooko ugu baaqay ineey badbaadiso ninka ey qabatay ee u dhashay Sacuudiga,waxaane xukuumada Marooko loogu baaqay ineysan u gacan gelin xukuumadda Sacuudiga. Hayadaha xuquuqda ayaa dalka Marooko uga digay in Xasan Al-Rabiici oo u dhashay Sacuudiga laguna xiray dalka Marooko 14/1/23-ka uu wajahaayo khatar aad u xun oo la xiriirta go’aan ka gaarista xarigiisa waayo haddii Xasan Al-rabiic loo gacangeliyo Sacuudiga waxa uu wajihi doonaa Jirdil iyo cadaalad xumi kaga imaan karta hayadaha cadaaladda.
ISHA WARKA MEE.