SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA LIBNAN OO GALAYA WEJI CUSUB OO SIYAASADEED.

MADAXWEYNAHA LIBNAAN OO SAXIIXAY.

(BEIRUT)-Dalka Libnaan oo ka mida wadamada Carbeed kuwooda ugu amniga daran marka loo fiiriyo juqaraafi ahaan halka uu ku yaalo iyo siyaasadda dalkaasi ka jirto eey isku haystaan kooxo ku kala gedisan dhinacyada Diinta iyo fikirka,dalkaan ayaa waxaa dhibaato ba’an ku haayo wadamadda Iraan,Suuriya iyo Israel oo ku dul dagaalama shacabka reer Libnaan waxaane ka dhacay dagaalo diimeedyo farah looga gubtay iyo kuwo siyaasadeedba,Libnaan ayaa ilaa hadda waxa eey la daalaa dheceysaa dhibaato dhaqaale oo baahsan eeyna sababtay shaqa la’aanta dalka ka jirta oo gaartay heerkeedii ugu xumaay.Madaxweynaha dalka Libnaan Misheel Cawn ayaa maanta oo Axad ah saxiixay dikireeto uu ku ogolaanaayo iscasilaada xukuumadiisa maalin uun ka hor waqtiga uu ku eg yahay xilkiisa Madaxweynenimo ayadoo aan la haynin qofkii bedeli lahaay. “Subaxaan ayaan warqad u diray aqalka wakiiladda ayadoo la tixgelinaayo awoodeyda dastuuriga ah iyo anigoo saxiixay iscasilaada xukuumadda”sidaas waxaa yiri Madaxweyne Misheel Cawn isagoo ku sugan qasriga Madaxweynaha ee Bacbaad ee ku yaalo mgaaaladda caasimadda ah ee Beyruut.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.