DALKA LIBIYA OO KA HADLAY…
NAJLA’A ALMANQUSHI.
(TRIPOLI)-Wasiiradda Arrimaha dibadda ee dalka Libiya Najla’a Al-Manquushi ayaa sheegtay maanta oo Axad ah in xukuumadda Libiya la yaabtay maqnaashaha qaar ka mida dawladaha Carabta ee aan soo xaadirin shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dawladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta oo maanta ka furmay caasimadda dalka Libiya ee Tripoli. Waqti sii horeeyey maanta oo Aaxad ah ayuu bilawday shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda dawladaha Carabta shirkaan ayaa looga arrinsanyaa xaaladaha dalalka Jaamicada Carabta,shirkaan waxaa marti ku ah wakiilo kala socdo Qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Afrika.
ISHA WARKA ARABICPOST.