SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA LIBIYA OO DIB LOOGA CELIYEY MUHAJIRIIN DHAN 80-KUN.

(SAWIR)-KA.MUHAAJIRIIN DIB LOOGU CELINAAYO DALKOODA.

(TRIPOLI-LIBYA)-Hayadda Socdaalka Adduunka ee (IOM) ayaa Talaadadii shalay ahayd ku dhawaaqday in tan iyo sannadkii 2015-kii 80-kun oo Muhaajiriin ah si iskood ah loogu soo celiyey dalka Libiya lana geeyey dalalkoodii asal ahaan ey ka soo jeedeen iyadoo loo maraayo Barnaamijka Isxilqaanka ee bani’adenimada(VHR). Hindisanahaan waxa uu taageero muhiim ah siiyey kuwa doonaayo iney si nabad ah ugu laabtaan dalkooda. Sida laga soo xigtay Hayadda Socdaalka Addunk(IOM),Muhaajiriinta dib loogu celiyey dalalkooda waxaa ka mid ah 2,733-Qof oo dhibanayaal u ah kuwa wax tahriibiya,843-Caruur ah oo aan waalidiintooda eysan la socon ama kala maqan yihiin iyo 5,144-Qof oo qaba baahi caafimaad. Marka ey ka soo laabtaan soo gelootigaan waxa ey helaayaan taageero dib u dhaxgal ah oo dhammaystiran oo ey ku jirto kaalmo dhaqaale,mid Bulsho iyo mid Maskax bulsho ah iyadoo loo maraayo xirmo dib u dhexgal oo shaqsi ah. “Shaqaalaha Hayadda Socdaalka Adduunka(IOM) waxay shaqeeyaan habeen iyo Maalin si ey u caawiyaan Muhaajiriinta Nugul ee ku sugan Libiya kuwaaso u baahan gargaar ilaalin deg deg ah. U ogolaanshaha soogelootiga iney sameeyaan doorashooyin xogogaal ah iyo in la xaqiijiyo xaqa ey u leeyihiin iney ku laabtaan dalkooda,Barnaamijka VHR waxa uu bixinayaa rajo yar mark ey la kulmaan dhibaatooyin ba’an” sidaas waxaa yiri Tauhid Pasha oo ah ku simaha Madaxa Hawlgalka ee Hayadda Socdaalka Adduunk(IOM) ee dalka Libiya. Tan iyo markii uu meesha ka baxay Taliskii Mucamar AL_Qadaafi sannadkii 2011-kii,dalka Libiya waxa uu noqday goob muhiim u ah oo ey ka baxaan Muhaajiriinta isku dayeysa iney ka gudbaan Badda Miditereeniyanka si ey u gaaraan Qaaradda Yurub. Barnaamijka VOLUNTARY HUMANITARIAN RETURN(VHR) ee Hayadda IOM-ta waxa uu hiigsanayaa inuu si badbaado leh oo sharaf leh u soo celiyo Muhaajiriinta ku Go’odoonsan dalka Libiya,wax ka qabashadda baahiyahooda deg dega ah iyo in laga caawiyo sideey dib ugu dhex milmi lahaayeen bulshooyinkooda.

ISHA/WAKALADO.