SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA K/AFRIKA OO KU DHEGAN US IYO UK.

(SAWIRKA)WEERARADA ISRAEL EE MARINKA GAZA.

(ANKARA-TURKEY)-Dagaalka ka socdo Marinka Gaza una dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil ayaa waxa uu galay maalintiisii boqol iyo koobaad(101),dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay dad gaaraayo ilaa 23,843-qofood,waxaa Caruur ah 10,400, waxaa Dumar ah 7100,waxaane Qoysas ah 1993,tirada dadka ku dhaawacmay waa 60,317-qofood, tirada dadka la la’ayahay waa 7-kun qofood,hadaba dagaalka gaystay intaas oo waxyeelo ayaa waxaa dacwad ka gudbiyey dalka Koonfur Afrika dacwada ayaa waxaa dhegaystay Maxkamadda Calaadda Caalamiga ah(ICJ) ee ku taalo dalka Holland maalintii Khamiista ee ina soo dhaaftay,dacwadaan ayaa dalka Koonfur Afrika waxaa uga wakiil ah koox Qareeno ah kana kooban ilaa 47-Qareen uuna hogaaminaayo Garyaqaan Wikus Van Rensburg. Garyaqaan Rensburg oo u hadlaayey Wakaaladda Wararka dalka Turkiga Anadolu ayaa yiri”Ma jiro qof dalka Maraykanka kula xisaabtamay dembiyadii uu ka gaystay dalka Ciraaq maadaama arrinta aan la siinin muhimadii lagama maarmaanka ahayd”. Qareen u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa isna sheegay in dadku ey rumaysan yihiin in waxa hadda ka socdo dhulka Falastiin ey yihiin kuwa ku haboon sharciga iyadoo dalka Maraykanka uu sii wado inuu Isra’iil u diro lacag,agab si loogu ogolaado dalka Isra’iil inuu dembiyo ka galo Marinka Gaza.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.