SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA IRAAN OO YEELAN DOONO MADAXWEYNE CUSUB.

(SAWIRKA)-MASUULIYIINTII KU DHIMATAY DIYAARADII UU LA SOCDAY MADAXWEYNAHA IRAAN.

(TEHRAN-IRAN)-Hogaamiyaha sare ee kacaanka Islaamiga ah ee Iraan Ayatollah Sayid AL-Khameyni ayaa u magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Iraan Maxamed Mukhbir Madaxa Fulinta. Hogaamiyaha ugu sareeyo dalka Iraan ayaa ku dhawaaqay Magacaabista maanta oo Isniin ah,maalin ka dib markii Madaxweyne Ebrahim Raysi iyo kooxdii la socotay ey ku shahiideen shil diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Waqooyi-Galbeed ee Azarbajaan. Ayatollah Khameyni ayaa soo saaray dhambaal Tacsi ah kaaso uu ku sheegay in Mukhbir uu la wareegi doono fulinta isagoo cuskanaayo Qodobka 131-aad ee Dastuurka dalka Iraan. Waxaa kaloo uu u xilsaaray Mukhbir iyo madaxa labada laamood ee kale ee dawaladda Iraan kalana ah Madaxa Garsoorka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Iraan,iney u diyaar garoobaan Doorashada lagu soo dooranaayo Madaxweyne Cusub ugu badnaan 50-Maalmood Gudahood. MA JIRAAN WAX CARQALAD AH OO KU YIMID DALKA. Kulan deg deg ah ey yeeshaeen Golaha Wasiiradda dalka Iraan maanta oo Isniin ah,Mukhbir ayaa ugu baaqay xubnaha Golaha Wasiiradda iney sii wadaan si kalsooni leh oo adag sidii hore si ey ugu adeegaan shacabka. Waxa uu sheegay in nidaamka dalka uu yahay mid dhisan oo adag,isla markaasne eysan jiri doonin dhibaatada ugu yar ee ka jirta maamulka dalka. Golaha Wasiiradda Iraan fadhigii deg dega ahaa ey yeesheen waxa ey go’aamiyeen in la saaro Gudi u xil saaran qaban qaabadda Aaska Marxuumka iyo wafdigiisa. Gudiga waxaa Madax u ah ku xigeenka Raysi ee arrimaha fulinta Muxsin Mansuur. Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale go’aamiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan ey u doortaan Wasiir ku meel gaar ah ee Arrimaha Dibadda iyo Gudoomiyaha Gobolka Bariga Azerbajaan. Madaxweyne Ebrahim Raysi,Wasiirka Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Cadollahayaan,Gudoomiyaha Gobolka Azerbajaan ee Bari iyo lix qofood oo kale ayaa saarnaay diyaaradda Helikobtarka ah markii ey ku burburtay Gobolka Varzaqan shalay oo Axad ahayd. Diyaaradahooda iyo laba kale oo Helikobtara ah ayaa ku sii jeeday magaaladda Tabriz saacado ka dib markii MW-Raysi oo uu wehliyo dhigiisa Azerbajaan Ilham Caliyev ey daah fureen Biyo-Xireenka wadajirka ah ee Qiz Qalasi ee Xuduudka labada wadan horaantii Axaddii shalay. MW-Raysi ayaa la doortay sannadkii 2021-kii waxa uuna ahaay Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan. Arrintaan shalay ka dhacday dalka Iraan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalka Iraan Maxamed Jawaad Dariif waxa uuna dhibka dhacay dusha ka saaray dalka Maraykanka sida uu Boggiisa ku soo daabacay Tv-ga AL-Carabiya qeybtiisa Afka Carabiga,waraysi uu siiyey TV-ga Qaranka ee Iraan maanta oo Isniin ah,waxa uuna Dariif sheegay in Maraykanku yahay mid ka mid ah kuwa loo haysto dilka Madaxweyne Rasyi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Cabdollahiyaan.

ISHA/WAKALADO.