SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA IMAARAATKA OO SI DADBAN UGA FAA’IIDAYSTAY…

DAD DAAWANAAYO CAYAAR.

(DUBAI)-Wadamadda la isku yiraahdo Khaliijka kana kooban lixda dal ee kala ah Sacuudiga,Imaaraatka Carabta,Baxrayn,Cumaan,Qadar iyo Kuweyt ayaa waxa ey leeyihiin xuduudyo isu furan si sahlane la isaga gudbi karo,dalka Qadar oo ka mid ah wadamadda lixda ah ayaa sannadkaan -2022-ka waxa uu martigeliyey tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee FIFA-2022-ka wxaane la soo gabagabeeyey shalay oo Axad ahayd kuna beegneed 18/12/22-ka waxaane koobkii qaaday Dalka Arjantiin,hadaba dalka Qadar ma aha kaligiisa dalka ka faa’iiday tartankaas uu martigeliyey waxaane jiro in dalka Imaaraatka Carabta(UAE) oo derisna la ah dalka Qadar inuu si dadban uga faa’iiday tartankaas. Dalka Imaaraatka ayaa soo jiitay dalxiisayaal fara badan waqtigii uu socday tartanka FIFA isagoo aan ku bixin wax lacag ah waxaane dhacday in dad badan oo u socday dawashada koobka adduunka ey la dheceen xeebaha dalka Imaaraatka Carabta . Diyaaradaha ka kicitimay gudaha dalka Imaaraatka Carabta kun socday caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhammeed 120-duulimaad maalintiba.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI