DALKA IMAARAATKA OO BIXIN DOONO KHARASHKA….
MADAXWEYNAYAASHA MASAR IYO IMAARAATKA CARABTA.
(MUQDISHO)-Qalbiga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa si sir ah uga bilawday in dalalka Masar iyo Imaaraatka qortaan dhallinyara gaareyso seddex kun si loogu soo tababaro dalka Masar,dhaqdhaqaaq qoritaanka dhallinyaradaan la askareynaayo ayaa waxa uu soo bilawday bishii hore ee Sebtembar-2022-ka,dhallinyarada la askareynaayo ayey da’adoodu u dhexeysa 18-jir ilaa 28-jir kuwaaso loo balan qaaday in la siin doono mushaar fiican,waxaane dalka Masar loo diray qaar badan oo ka mida dhallinyardaan la askareynaayo si halkaaso loogu soo tababaro nuuca tababarka ayaa ah mid mileteri,dalka Imaaraatka Carabta ayaana bixin doono kharashka tababarka ciidamadaan cusub.Dhallinyaradaan la askareynayo ayaa 120-ka mida waxaa laga soo qoray Gobolka Bay ee maamulka KGS,waxaane hadda dhllinyarada lagu haayaa xerada Damaanyo ee magaaladda Muqdisho waxaane tirada hadda ku sugan xerada Damaanyo lagu sheegay ineey dhan tahay ilaa laba kun oo dhallinyara ah.
ISHA WARKA MME.