SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA IMAARAATKA CARABTA OO KA HADLAY DHACDADII SHALAY.

(SAWIRKA)-CALANKA DALKA IMAARAATKA CARABTA.

DUBAI-UAE)-Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in seddex ka mid ah ciidamadda Imaaraatka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamadda difaac dawladda Baxrayn in lagu dilay fal Argagixiso oo ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya shalay oo Sabti ahayd. Ciidamadaan la laayey ayaa ahaay Tababarayaal ku sugnaay xero ku taalo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxa eyna ahaayeen kuwa tababar tayo leh siiya ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya taaso qeyb ka ah heshiis laba geesood ah ee ku qotoma iskaashi Mileteri ee labada dal. Wasaaradda waxa ey barteeda(X) ku sheegtay in dalka Imaaraatka uu sii wadaayo isku dubaridka iyo wada shaqeynta ey la leeyihiin dalka Soomaaliya ee ku aadan baaritaanka “Falka Argagixiso ee foosha xun”. Weerarkii Sabtidii shalay lala beegsaday ciidamada ayaa waxa uu ka dhacay Xerada Tababarka ee Gen.Gordon ee magaaladda Muqdisho,MW-Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Imaaraatka Carabta uga Tacsiyeyey khasaarihii soo gaaray ciidamadooda lagu weeraray Xerada Gen.Gordon.

ISHA/SB-MEDIA.