SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA BULGARIYA OO KA HADLAY MARKABKA GALAXY.

(SAWIRKA)-GALAXY LEADER EE U AFDUUBAN XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.

(SOFIA-BULGARIA)-Shaqaalihii la socday Markabkii Galaxy Leader ey qabteen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman bishii Noofembar-2023-kii “Waa ey badqabaan,waane ey caafimad qabaan” waxayne ku laaban doonaan dalkooda Bulgaria dhawaan,sidaas waxaa ku dhawaaqay masuul ka hadlay caasimadda dalka Burgaariya ee Soofiya maanta oo Talaada ah. Tan iyo wax yar ka dib markii uu qarxay dagaalka Marinka Gaza 7/10/23-kii kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa weeraro Gentaala ah iyo kuwa diyaaradaha aan duuliyaha wedin ku qaadayey Maraakiibta Ganacsiga ee mareysa biyaha Badda Cas kuwaaso ey sheegeen iney xiriir la leeyihiin dalka Isra’iil. “Macluumaad aan ka hayno Badmaaxiinta la socotay Markabka Galaxy Leader ee laga qafaashay Biyaha Badda Cas waxa ey qabaan nabad”sidaas waxaa yiri Wasiirka Gaadiida dalka Bulgaariya Georgy Gvozdeykov mar uu la hadlaayey Telefishan gaar ah oo maxali lana yiraahdo B-TV gudaha dalka Bulgaariya. Shaqaalihii saarnaay Markabka Galaxy Leader ayaa degan Hotel waxaane la abaabulayaa ku laabsahada dalkooda Bulgaariya Gvozdeykov ayaa intaas raaciyey hadalkiisa isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah. Markabka Gaxaly Leader waxaa iska leh Shirkad Ingiriis ah Shirkada nafteedana waxaa iska leh nin Isra’iil ah. Markabka Galaxy Leader ayaa u kireysnaay shirkad Japan ah,waxayne Xuutiyiintu sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmo dadka ku go’doonsan Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. Masiirka 25-ka shaqaale ee la socday Markabka Galaxy Leader oo u kala dhashay dalalka Bulgaariya,Filibiin Ukrayn iyo Meeksiko ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin. Bishii Janaayo-2024-ka,Reysal Wasaaraha dalka Bulgaariya Nikolay Denkov ayaa sheegay in sii deyntooda ey ahayd mawduuc lagala hadlay Xuutiyiinta Yeman. Waxaa sidoo kale socdo wada xaajood ku saabsan Markabka Xamuulka qaada ee lagu magacaabo MV Ruena oo ah Markab laga leeyahay dalka Bulgaariya oo ku socday calanka dalka Malta,kaaso burcad badeed Soomaaliyeed afduubteen bishii Diseembar-2023-kii.

ISHA/AFP.