DALKA BILJAM OO LA SAFTAY KOONFUR AFRIKA.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA CAALAMIGA AH EE CADAALADDA(ICJ).
(ISTANBUL)-Dalka Biljam ayaa ku dhawaaqay inuu si buuxda u taageeraayo go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ee lagu joojinaayo weerarada ka dhanka ah Marinka Gaza ee ey keentay xukuumadda Koonfur Afrika,taaso dalka Isra’iil ku eedeyneysa Xasuuq. “Dalka Biljam waxa uu dib u xaqiijinayaa taageerada buuxda ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ee kiiskaan. “Haddii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ey ugu yeerto dalka Isra’iil inuu joojiyo ololihiisa Mileteri ee uu ka wado Marinka Gaza,wadankeenu si buuxda ayuu taageeri doonaa”sidaas waxaa barteedaa(X) ee horay loogu yaqiin Twitter ku qortay Wasiiradda Horumarinta Iskaashiga iyo Siyaasadda Magaaladda,Caroline Gennez. Wasiiradda ayaa qoraalkeeda raacisay”Dalka Biljam waxa uu ka codsanayaa Midawga Yurub iyo caalamkaba xabad joojin joogta ah,helitaanka bani’adanimo buuxda,sii deynta shuruud la’aan ah ee la haystayaash,ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo xal laba dawladood ah oo ah xal dhismeed ee khilaafkan”.
ISHA/AA.