DALAK QADAR OO SI KU MEEL GAAR AH…
QADAR.
(ANAKARA)-Dalka Qadar ayaa maanta oo Arbaca ah go’aansaday iney si ku meel gaar ah u joojiyaan dal ku galka booqashada ah(VISITORS VISAS) waane inta uu socdo tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee sannadkaan 2022-ka kaaso eey martigelinayso dawladda Qadar,tartanka ayaana bilaaban doono bisha Nofeembar-2022-ka.Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha dalka Qadar ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay ineeysan ogolaan doonin dad booqasho ku yimaado dalka Qadar iyagoo soo raacaayo Diyaarado,Baabuur iyo Maraakiib inta u dhexeeyso 1/11/2022 ilaa 23/12/2022-ka,waxaa dalka Qadar loo ogolyahay ineey soo galaan oo kaliyah dadka wato Kaarka Hayaa.
ISHA WARKA AA.