DAGAALKA GAZA OO GALAY MAALINTIISII…
(SAWIRKA)BURBURKA SOO GAARAY GAZA.
(GAZA)-Taariikhdu markey ahayd 7/10/23-ka ayey Xarkada Xamaas waxa ey weerar xoogan ku qaaday dulka Isra’iil,weerarka ayaa waxaa lagu qabsaday maxaabiis fara badan una kala dhashay Isra’iil iyo Wadamo reer Galbeed ah uuna ugu horeeyo dalka Maraykanka,weerarka ayaa intiisa ugu xooga badan waxa uu ka dhacay dhulka ku teedsan Gobolka Gaza ey degan yihiin dadka Isra’iil u dhashay lagana keenay dibadda Isra’iil,waxaane weli socdo weerarka Isra’iil ku qaaday Gaza wixii ka dambeeyey weerarkii Xarakada Xamaas ee dhacay 7/10/23-ka. Hadaba Gobolka Gaza masaaxadiisa ayaa lagu sheegay iney dhan tahay 365-kiilomitir oo isku wareeg ah,waxaane Gobolka Gaza gacanta ku haayo Xarakada Xamaas tan iyo marka laga soo bilaabo 2007-dii,Gaza ayaa dadka ku nool waxa ey yihiin 99% Muslimiin Sunni ah,Tirada dadka ku nool Gaza ayaa dhan 2,375,259-qofood waxaane ku dhex yaalo Gaza sideed Xero Qaxooti oo ey degan yihiin dad soo barakacay,dhinaca Xuduudyada Gaza waxa ey xuduud dhan 32-kiilomitir la leedahay Isra’iil,waxa eyna Gaza la leedahay xuduud dhan 11-kiilomitir dalka Masar. Diyaaradaha Isra’iil ee weli wada weerarka dhinaca cirka ayaa dilay dad fara badan isuguna jira nuucyada kala gedisan ee bulshada degan Gaza,Tirada dhimashada guud ee Gaza ayaa hadda ah 6546-qofood waxaane caruur ah-2704,Dumar waxaa ah 1292,inta soo hartay ee dhan 2550-qofood ayaa ah dad kala duwan kuna dhintay Gaza,Tirada dhaawacantay ilaa hadda ayaa dhan-12,297-qofood. Goobaha bartilmaameedka u ah diyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa kala ah”Gobolka Gaza, Waqooyiga Gaza” Gobolka Dhexe “Khaan Yoonis iyo Rafax”. Inta uu socday dagaalka ka dhanka ah Gaza waxaa dhulka Falastiin lagu xiray dad gaarayo ilaa 1350-qofood,dadkaan ayaa intooda badan waxaa laga soo kala xiray”Khaliil,Beyt Laxam iyo Qudus”oo dhamamaan ka tirsan Wabiga Urdun.
ISHA/SB-MEDIA.