SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAGAALKA DALKA YAMAN OO BAARITAAN LAGU SAMEEYNAAYO.

(QARAMADA MIDOOBAY):In ka badan lixdan urur ayaa golaha qaramada midoobay waxa eey ku qalqaalinayaan in la abuuro gudi baara soona ururiyo cadeeymaha la xiriiro ku xadgudubka xuquuqda bani’aadanimada intuu socday dagaalka dalka Yaman ee todobo jirsaday,waxaane suuragal ah ineey ka mid yihiin dembiyo dagaal iyo dembiyo lid ku ah bani’aadanimada.Ururadaan u ololeynaayo in baaritaan lagu sameeyo wixii ka dhacay dalka Yaman intuu socday dagaalka dalkaas ayaa waxaa ka mid ah Amnesty International iyo Human Rights Watch,sida eey sheegeen ururadaas maanta oo khamiis ah(2/12/2021)-ka waa in la dejdejiyaa hawsha gaar ahaan ka dib markii bishii oktoobar ee sannadkaan uu golaha xquuqul insaanka ee qaramada midoobay u codeeyey in la xiro baaritaanka dadka si arxandaridda ah loogu dilay dalka Yaman.Sida eey ku warbixiyeen khubaro aqoon u leh dagaaladda dagaalka ayaa sheegay dagaalka ka dhacay dalka Yaman in lagu galay dembiyo dagaal oo aad u xoogan eeyna sameeyeen dhinacyada dagaalamay oo dhan(XUUTIYIINTA IYO XULUFADDA ),waxaane dalka Yaman gariiriyey dagaal sokeeye marka laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii.

HALKAAN KA SII AKHRI.