DAGAAL MAANTA KA QARXAY DALKA LIIBIYA.
DAGAALKA DALKA LIIBIYA.
(TRIPOLI)-Dagaal culus ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu ka qarxay caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli,dagaalka maanta ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan waxaane ku dhaawacmay dad isugu jira shacab iyo kooxihii dagaalamay,waxa uuna burbur ba’an soo gaaray dhismayaal fara badan uuna ku jiro Masaajid ka dib markii uu ku habsaday Madfac habaw ah. Ila wareedyo ku sugan caasimadda Tripoli ayaa soo sheegay sababta keentay dagaalka maanta ineey tahay kala shakin dhexmartay ciidamadda uu hogaamiyo Haytam Tajori ahne taliyaha Guutada 777-aad uuna fadhigoodu yahay caasimadda Tripoli iyo kuwa aan qeyb ka ahayn amniga caasimadda Tripoli ayaa isku xabadeeyey wadada Al-Zaawiyaha ee caasimadda Tripoli,warar hadda i soo gaaray ayaa sheegaayo in dhimashada la xaqiijiyey tahay 12-qofood dhaawacana uu gaaraayo 87-qofood una badan dad shacab ah.
ISHA WARKA WAKAALADO.