SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAGAAL KA DHACAY DALKA YEMAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA DAWLADDA YEAN.

(ADEN)-Marka laga hadlaayo arrimaha dalka Yeman ee waqtigaan waxaa mudan inaan is xusuusino in dalka Yeman ey ka jiraan seddex Xoog oo laba ka mida ey isku meel joogaan halka kan kale uu isagu meel kaligiis taagan,magaaladda Cadan ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee dalka Yeman ayaa waxaa kuwada sugan ciidamadda dawladda uu caalamku aqoonsan yahay iyo ciidamo kale oo reer koonfureed ah eyna tababartay Imaaratka Carabta rabaane iney ka go’aan Yeman inteeda kale iyo kooxda Ansaara Alaah loona aqoon ogyahay Xuutiyiinta,hadaba dagaal aan waxba la isula harin la isuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayey isaga horyimaadeen xoogaga gooni u goosadka raba ee reer Koonfureedka iyo ciidamada Xuutiyiinta uu sakdhigoodu yahay Sanca,dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga Gobolka Laxaj halka loo yaqaano”kirish”kana tirsan degmada Museeymeer waane degaan u dhaw Gobolka Ticis. Dagaalka ayaa bilawday ka dib markii askar ka tirsan Xuutiyiinta ey isku dayeen iney si dhuumaaleysi ah ku galaan goob saldhig u ah xoogaga Koonfureedka kuna taalo dhul buuraley ah loona yaqaano “Al-Markhaam”waxa eyna Xuutiyiintu adeegsadeen diyaaradaha Drones-ka iyo madaafiic ey si ba’an ugu garaaceen saldhiga.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.