DAGAAL KA DHACAY DALKA YAMAN.
DAGAALYAHANO YAMAN AH.
(YAMAN)-Maleeshiyo loo malaynaayo ineey yihiin Alqaacidda ayaa maanta oo Arbaca ah waxa eey weerar jidgalya ah ku qaadeen goob eey ku sugnaayeen ciidamadda amaanka dalka Yaman gaar ahaan gobol ku yaalo koonfurta,waxaane goobta ka dhacay dagaal aad u qaraar eey ku dhinteen shan askeri kana tirsan ciidamadda dawladda Yaman iyo seddex maleeshiyadda weerarka soo qaaday ah. Weerarka ayaa dhacay goor hore oo saakay ah waxa uuna ka dhacay magaaladda Cataq ahne caasimadda gobolka buuralayda ah ee Shabwa, sidaas waxaa sheegay saraakiil ka tirsan dawladda Yaman.Askarta ku dhaawacanta weerarkaas ayaa lagu sheegay ineey dhan yihiin afar askeri.
ISHA WARKA AP.